Isku xirrada

Mugabe oo "gurigiisa ku xaniban" kadib tallabadii milatariga


RObert Mugabe

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hogaamiyaha muddada dheer ee dalka Zimbabwe uu “gurigiisa ku xaniban yahay”, taasi oo muuqata dadaal milatarig ay doonayaan inay xukunka uga tuuraan kadib 37 sano oo uu awoodda haystay.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu maanta la hadlay Mugabe, uuna u sheegay “inuu gurigiisa ku xaniban yahay hase yeeshee uu bad qabo”

Koonfur Afrika ayaa sidoo kale xiriir la sameyneysa ciidamada difaaca dalka Zimbabwe.

Dhacdooyinka ka cusub Zimbabwe ayaa falcelin u ah tallaabo aan la taageerin oo uu Mugabe qaadan horaantii bidhsn, taasi oo uu xilka kaga qaaday madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Emmerson Mnangagwa, isaga oo tilmaamay inuu qorsheynayo inuu ku beddelo marwada koowaad.

Taankiyada ciidamada ayaa soo galay waddooyinka Harare talaadadii maalin kadib markii taliyaha ciidamada General Constantino Chiwenga, uu sheegay inuu soo faro-gelin doono haddii Mugabe uusan joojin beegsiga taageerayaasha Mnangagwa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG