Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdishka Ciraq oo ka laabtay gooni u goosadkii


Dhismaha baarlamanka Kurdistan
Dhismaha baarlamanka Kurdistan

Mas’uuliyiinta Kurdishka Ciraq ayaa maanta sheegay inay xushmeyn doonaan go’aanka maxkamadda sare ee dalkaas ee mamnuucaya in dalka laga go’o.

Arrintan ayaa timid laba bilood kadib markii codbixiyayaasha gobolka ismaamulka Kurdishka ay si xoog leh ugu codeeyeen afti xornimo doon. Dowladda dhexe ee Ciraq ayaa diiday codbixintaas, oo ay ku sheegtay inay jebisay dastuurka dalkaas.

“Waxaan aaminsanahay in go’aankan uu billow u noqdo wada-hadallo loo dhan yahay oo qaran oo dhex mara Erbil iyo Baghdad, si muranka loogu xaliyo ayada oo la fulinayo qodobada dastuuriga, si loo dammaanad qaado dhammaan xuquuqaha iyo awoodda dastuurka na siiyey, taasi oo ah habka kaliya ee lagu joogteyn karo midnimada Ciraq” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Kurdish-ka Ciraq.

Kadib markii aftida la qaaday, ayaa ciidamada Ciraq waxay qabsadeen inta badan dhulalkii ay Kurdishka sanadaha badan gacanta ku hayeen, kadib marii ay ka saareen dagaalyahanada Daacish

Waxaa sidoo kale is-casilay madaxweynihii Kurdish-ka Masoud Barzani, xilli mas’uuliyiinta Kurdish-ka iyo kuwa Baghdad ay ku murunsanaayeen dalabka xoriyadda ee Kurdishka.

XS
SM
MD
LG