Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir ku dhuftay xuduudda Iraq iyo Iran


Dhulgariir axaddii ku dhuftay xuduudda Iraq iyo Iran ayaa dilay in ka badan 300 oo qof, ayada oo 2,500 qof kale ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta dalka Iran ayaa maanta ku warramay in 328 qof ay ku dhinteen dhulgariirka, ayada oo dhibanayaasha badankood ay deganaayeen magaalada Sarpol-e-Zahab ee gobolka Kermanshah.

Kooxaha gurmadka iyo gargaraka deg degga ayaa xalay oo dhan shaqeynayey si ay u caawiyaan dadka uu dhulgariirka saameeyey.

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan daarasadda dhulka ayaa sheegtay in dhulgariirka cabirkiisu uu ahaa 7.3, ayna xuddunta uu ku dhuftay ahayd magaalada Halabja ee gobolka Kurdistan ee Iraq.

Kadib dhulgariirka ayaa waxaa xigay dhulgariir yaryar oo is xigxigay.

Ra’iisul wasaaraha Iraq, Haider al-Abadi ayaa sheegay inuu ku amray hay’adaha caafimaadka iyo gargaarka inay wax kasta oo ay ku caawin karaan siiyaan dhibanayaasha.

XS
SM
MD
LG