Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tillerson: Hariri uma xirna Sacuudiga


An emergency paramedic leans against a wall outside the Matei Bals hospital compound in Bucharest, Romania, where an early-morning fire killed four people, authorities said.
An emergency paramedic leans against a wall outside the Matei Bals hospital compound in Bucharest, Romania, where an early-morning fire killed four people, authorities said.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex tillerson ayaa maanta sheegay inaysan jirin “wax tilmaamo ah” oo muujinaya in ra’iisul wasaarihii is-casilay ee Lebanon Saad al-Hiriri ay xabsi geliyeen Sacuudiga.

Hariri, ayaa sabtidii lasoo dhaafay isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii ra’iisul wasaare ee dalka Lebanon.

Tillerson ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir uu u xaqiijiyey in go’aanka is-casilaadda ee Hariri uu ahaa mid isaga u gaar ah. Tillerson iyo al-Jubeir ayaa wada hadlay talaadadii.

“Sida aad ogtihiin Hariri wuxuu haystaa laba dhalasho oo kala ah Lebanon iyo Saudi. Qoyskiisa waxay Sacuudiga ku noolaayeen muddo, marka wasiirka arrimaha dibedda ayaa ii xaqiijiyey in go’aanka uu yahay mid u gaar ah isaga” ayuu yiri Tillerson.

Tillerson ayaa intaas ku daray in Saad Hariri looga baahan yahay “inuu dib ugu laabto dalka Lebanon” si uu is-casilaadda uga dhigo mid rasmi ah, si dowladda dalkaas ay ugu shaqeyso si sax ah.

Saraakiil ka tirsan dowladda Lebanon oo ku sugan magaalada Beirut ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Hariri uu lahayste u yahay Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa muddo taageerayey Hariri iyo xulafadiisa oo loolan adag uu kala dhaxeeyo kooxda Hezbollah, oo Iran ay taageerto.

XS
SM
MD
LG