Isku xirrada

26 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Texas


Nin ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa kaniisad ku taalla meel ku dhow magaalada San Antonio ee gobolka Texas axaddii, halkaasi oo uu ku dilay 26 qof, islamarkaana 20 kale uu ku dhaawacay.

Dhibanayaasha weerarkan ayaa waxa ay da’doodu u dhaxeysaa shan illaa 72 jir.

Ninka weerarka gaystay ayaa sidoo kale la dilay, hase yeeshee illaa iyo hadda ma cadda sababta uu weerarkan u fuliyey.

Baarayaahsa hay’adda FBI-da, oo ay wehliyaan wakiilo ka socda Xafiiska Aalkolada iyo Tubaakada iyo booliiska gudaha ayaa ku sugan magaalada Sutherland Springs oo weerarka uu ku dhacay, islamarkaana ku dhow magaalada San Antonio.

Madaxweyne Trump ayaa toogashadan ku qeexay “ficil xun” waxaana uu ku baaqay in loo duceeyo dhibanayaasha. Wuxuu sidoo kale amray in calanka Mareykanka hoos loo dhigo dhammaan dhismayaash dowladda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG