Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka dhacay dibedda baarlamanka Tunisia


Booliska Tunisia ayaa maanta oo arbaco ah sheegay inay xireen tuhmane mintid Islaami ah oo laba sarkaal ku mindiyeeyey banaanka dhismaha baarlamanka dalkaas ee magaalada Tunis.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ninka weerarka soo qaaday uu ahaa inay yaqaanaan mas’uuliyiinta, islamarkaana kadib markii uu weerarka geystay uu sheegay in boolisku uu u arko inay yihiin “dabo-dhilif”.

Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa waxaa uu ka dhaawacmay qoorta, waxaana loola cararay isbitalka, gaar ahaan qeybta daryeelka deg degga ee xooggan.

Tunisia ayaa waxa ay adkeysay ammaanka goobaha muhiimka kadib weeraro dhimasho lahaa oo dhacay sanadihii dhowaa, oo ay ku jiraan mid ka dhan ahaa ilaalada madaxtooyada ee magaalada Tunis, iyo mid dalxiisayaal lagula eegtay magaalada Sousse.

XS
SM
MD
LG