Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno ka tirsanaa ololaha Trump oo dacwado lagu soo oogay


Sawir laga sameeyey Manafort iyo Gates oo maxkamad saaran
Sawir laga sameeyey Manafort iyo Gates oo maxkamad saaran

Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Trump, Paul Manafort ayaa isniintii lagu soo oogay dacwado ay ka mid ay ka mid yihiin shirqool ka dhan ah Mareykanka, been xalaaleyn lacag iyo inuu dowladda u been sheegay.

Manafort iyo Rick Gates oo ay saaxiib ganacsi la ahaa, ayaa waxaa dacwado kusoo oogay xeer beegti federal oo ku sugan Washington DC, ayada oo tanina ay qeyb ka tahay baaritaanka uu wado dacwad oogaha gaarka ee baaraya faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashooyinka Mareykanka, Robert Mueller.

Dhinaca kale, Mueller ayaa shaaca ka qaaday in la-taliyihii hore ee siyaasadda arrimaha dibedda ee ololaha Trump, George Papadopoulos uu shantiii October qirtay inuu wakiilada federaalka uga been sheegay bishii January xiriir uu la sameeyey saraakiil ka tirsan dowladda Ruushka

Warqado maxkamad ayaa muujiyey in mas’uuliyiinta ay xireen George Papadopoulos bishii July shanteeda, kadibna uu shaaca ka qaaday inuu xiriir dhowr ah la sameeyey saraakiil Ruushiyaan ah.

George Papadopoulos ayaa sidoo kale waxa uu kooxda Mueller la galay heshiis ku saabsan inuu dambigiisa qirto, taas beddelkeedna uu wada-shaqeyn kala sameeyo baaritaanka lagu hayo ololaha Trump, si xukunka looga qafiifiyo.

Wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa warbixin arrintan la xiriirta soo jeedinaya.

Dhageyso Mueller oo Baaraya Faragalinta RUushka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:26 0:00

XS
SM
MD
LG