Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odinga oo ku baaqay inaan berri la codeyn


Raila Odinga
Raila Odinga

Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa inay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo berri.

Waxa uu sheegay in Isbaheysigiisa NASA uu isu beddelayo “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah”

Raila oo taageeayaashiisa kula hadlay fagaaaha Uhuru Park ee magaalada Nairobi, ayaa dhinaca kale ku booriyay inaysan gacan ka hadal ku sameyn sida uu sheegay walaalahooda kale ee reer Kenya oo ay indhaha u furaan cadaalad darro ay dhamaan wada tabanayaan.

Arrintaas ayaan khadka taleefanka ee Nairobi uga wareysanay wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere.

Odinga oo ku baaqay inaan la codeyn
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG