Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Kurdistan oo dib u dhigtay natiijada aftidii xoriyadda


Masoud Barzani (Madaxa gobolka Kurdistan)
Masoud Barzani (Madaxa gobolka Kurdistan)

Dowladda gobolka Kurdistan ayaa sheegtay inay dib u dhigeyso natiijada aftida xoriyadda gobolkaas, ayna wada-hadal la fureyso dowladda dhexe ee Ciraq, si looga hortago rabshado dheeri ah oo dhexmara labada dhinac.

Toddobaadkii tagey ciidamada Ciraq ayaa qabsaday magaalada Kirkuk iyo goobo kale oo lagu muransan yahay oo ay haysteen Kurdish-ka, taasi oo jawaab u ahayd aftida, oo uu ra’iisul wasaare Haider al-Abadi ku qeexay mid sharci darro ah.

Bayaan kasoo baxay dowlad goboleedka Kurdistan ayaa lagu sheegay in isku dhacyadan ay dhaawacayaan labada dhinacba, islamarkaana ay hogaamin karaan dhiig ku daata Ciraq.

“Xaqiiqdii, dagaal sii socda guul uma horseedi doono dhinacna, hase yeeshee waxa uu Ciraq ku jiheyn doonaa jahwareer iyo qas saameeya nolosha dadka” ayaa lagu yiri bayaan dowlad goboleedka Kurdistan.

Dowladda Kurdistan ayaa sidoo kale ku baaqday in si deg deg loo joojiyo dhammaan howlgallada milatari ee ka socda gobolka Waqooyi ee Ciraq.

XS
SM
MD
LG