Isku xirrada

Jamhuuriga oo ansixiyey miisaaniyadda dowladda


Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa cod 51-49 ku ansixiyey miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhabbaha u xaareysa waxa uu madaxweyne Trump ugu yeeray “isbeddel weyn iyo cansuur dhimis”

Aqalka Cad ayaa bayaan ku sheegay “Qaraarkan wuxuu waddo u sameynayaa sare u qaadiddda dhaqaalaha Mareykanka, ayada oo marayo isbeddel lagu sameeyo hanaanka canshuurta iyo cansuur dhimis”.

Xubnaha Jamhuuriga ayaa waxaa saarnaa cadaadis ah inay ansixiyaan canshuur dhimista, ka hor doorashooyinka dhexe ee sanadka dambe, kadib markii ay ku guul-darreysteen inay baabi’iyaan barnaamijka daryeelka caafimaad ee loo yaqaan Obamacare.

Rand Paul oo laga soo doorto gobolka Kentucky ayaa ahaa jamhuuriga kaliya ee maya ugu codeeyey miisaaniyadda.

Sharcigan ayaa 1.5 tirilyan oo dollar ku dari doona deynta dowladda lagu leeyahay 10-ka sano ee soo socda.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa cambaareeyey sharcigan oo ay ku sheegeen mid canshuur dhimsi loogu sameynayo kaliya dadka qaniga ah iyo shirkadaha ganacsi ee waa weyn.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG