Ciidamada Israel ayaa xalay weerar ku qaaday xarumaha shirkadaha warbaahinta Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, taasi oo ay ku sheegeen howlgal looga jawaabayo hurinta rabashado ka dhan ah Israa’iiliyiinta.
Illaa sideed warbaahineed ayaa lagu amray inay xirnaadaan muddo lix bilood ah, islamarkaana laba qof ayaa la xiray.
Saraakiisha Falastiinyiinta ayaa si adag u cambaareeyey falkan, oo ay ku sheegeen mid ka dhan xoriyadda warbaahinta.
Tallaabada Israel ayaa timid saacado kadib markii dowladda ay ku dhawaaqday inaysan la hadli doonin dowlad Falastiin oo ay qeyb ka tahay kooxda Xamas, illaa dhowr dalab laga fuliyo.
Dalabyadaas ayaa waxaa ka mid ah in Xamas hubka dhigto, oo ay ka tanaasusho rabshadaha, islamarkaana aqoonsato Israel.
Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in Xamas ay joojiso taageerada Israel, ayna soo celiso meydadka laba askari oo Israeli ah, siina dayso laba qof oo muwaadiniin Israa’iliyiin ah.