Isku xirrada

Naadiga kubadda Cagta Chelsea, ayaa guul daro naxdin leh kala kulantay kooxda kubadda cagta ee Crystal Palace, kulan ka tirsanaa horyaalka dalka Ingriiska.

Naadiga Chelsea, oo difaacaneysa horyaalka ayaa laba gool iyo gool looga adkaaday, waxana daqiiqaddii 11-aad Chelsea goolka koowad iska dhaliyay Cesar Azpilicueta, waxaase 7 daqiiqo ka dib u barbareeyay Tiemoue Bakayoko.

Wax yar ka hor xilliga nasiinada qeybta koowaad ayaa waxa goolka labaad ka dhaliyay Chelsea Wilfried Zaha. Ciyaartana waxay kadhigtay in Chelsea ay lahaato 13 dhibcood 8 kulan oo ay dheeshey.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG