WASHINGTON. D.C —
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo adag oo ku wajahan Dowlada Iran.
Istaraatijiyadan ayaa waxaa qeyb ka ah cunaqabateyn cusub oo ujeedkeeduna yahay in lagu joojiyo horumarinta hubka niyukleerka ee iran.
Madaxweyne trump ayaa hakiyay kabixitaan uu maamulkiisu ku rabay inuu kaga baxo heshiiski Niyukleerka ee Iran kala dhaxeeyay Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed.
Koongareeska Mareykanka ayuu siiyay muddo lix cisha ah inay go,aan uga gaaraan arrinta Iran, si looga qaado buu yiri tallaabo dheeraad ah.