Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Burrin Doona Heshiiskii Nuclear-ka Iran


US Iran
US Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu burriyo heshiiskii Niyukleerka ee Iran, isaga oo dib ugu celin doono aqalka Congareeska si cunaqabateyn cusub loo saaro Iran.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in Khudbad uu Trump jeedin doono todobaadka soo socdo uu kaga dhawaaqi doono qorshahiisa ka dhanka ah heshiiska Niyukleerka Iran.

Go,aankan ayaa la sheegay inuusan gabi ahaanba burburin doonin heshiiskii 2015-ka, balse taasi badalkeeda loo wareejin doono Kongareeska oo muddo 60 cisha gudahood go,aan uga gaari doono in Iran la saro cunaqabteyn cusub.

Burinta heshiiskan ayaa sidoo kale albaab u fureysa wadahadalo cusub oo ku saabsan heshiiska niyukleerka Iran, hase yeeshee madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in aysan wadahadal ka geli doonin arrintani.

XS
SM
MD
LG