Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Xaqiijiyay In Askar Looga Dilay Niger


Maab tusinaya halka lagu weeraray ciidanka Mareykanka iyo Kuwa Niger.
Maab tusinaya halka lagu weeraray ciidanka Mareykanka iyo Kuwa Niger.

Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saddex askari looga dilay waqooyigalbeed ee dalka Niger, kadib marki ay la kulmeen weerar gaadma ah xilli ay wadeen howlgal roonda ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay laba askari oo kale oo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Africa ayaa lagu sheegay in weerarka uu yimid xilli ay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalada gaarka ah ee Mareykanka iyo askar ka mida milatariga Niger ay wadeen howlgal roonda ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkani lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Niger.

Emmanuelle Lachaussee, oo ah diblamaasi ka tirsan safaaradda Faransiiska ee magaalada Washington, ayaa VOA-da u sheegay in ciidanka France ee jooga Niger ay ka caawiyeen samatabixinta goobta lagu soo weeraray Arbacadi.

Ma jirto ilaa iyo iminka koox sheegatay mas,uuliyadda weerarkaasi.

Mareykanka ayaa waxaa Niger ka jooga ilaa iyo 800 oo askari oo tababarro siiya ciidamada qalabka sida ee dalka Niger.

XS
SM
MD
LG