Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abdulahi Sharif oo la Sheegay inuu ku Noolaan Jiray Mareykanka


Abdulahi Hasan Sharif
Abdulahi Hasan Sharif

Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in Cabdullaahi Xasan Shariif oo habeennimadii sabtidii weerar ka gaystay magaalada Edmonton ee dalka Canada kadib markii uu baabuur jiidhsiiyey shan qof, isla markaana toorriyeeyey sarkaal booliis ah uu ku noolaan jiray magaalada San Diego ee gobolka California.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inuu ninkaasi dalkan soo galay sanandkii 2011, isla markaana kiiskiisa la diiday loona diyaariyey in la masaafuriyo.

Waxay sheegeen in sannadkii xigay 2012-kii la waayey markii dambana la ogaaday inuu u gudbay dhinaca Canada.

Cabdullaahi Xasan Shariif ayaa baabuur jiidhsiiyey nin booliis ah kadibna tooriyeeyey nin booliis ah. Maalintii shalay ayuu dacwaddiisa la keenay maxkamad ku taalla Edmonton.

Waxaa halkaasi joogay oo warbixintan noo soo diray Jaamac Buulle Jaaamac.

Dhageyso Warbixinta Edmonton
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

XS
SM
MD
LG