Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho Dhimasho Badan oo ka Dhacday Las Vegas


Las Vegas
Las Vegas

Ugu yaraan 58 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 500 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.

Lombardo ayaa sidoo kale sheegay in ninka weerarka gaystay la dilay.

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay uu ahaa kaligiis oo aysan cidna wehlin, hase yeeshee waxaa la baadi goobayaa qof ay qol wada deganaayeen.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay asaga oo wata qori nooca daran dooriga u dhaca ah.

Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 500, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.

XS
SM
MD
LG