Isku xirrada

Daacish oo Sheegatay Weerarkii Marseille


Nin la tuhunsan yahay inuu laba haween ah ku dilay toorey, magaalada Marseille ee dalka Faransiiska axaddii, ayaa waxaa xiray oo sii daayey booliiska laba maalin ka hor falkan.

Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay oo dhowr magac oo kala duwan isticmaala, ay booliiska ku joojioyeen magaalada Lyon 29-kii September, kadib markii lagu tuhmay inuu dukaan wax ka xaday, balse la sii daayey markii caddeymo lagu waayey.

Ninkan ayaa ku qeyliyey “Allahu Akbar” markii uu labada haween weerarka ku qaaday, meel tareenada laga raaco, ka hor inta aysan toogan askarta Faransiiska.

Kooxda Daacish ayaa war ay soo dhigtay wakaaladdeeda wararka ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dacwad oogayaasha dalka Faransiiska ayaa billaabay baaritaan la xiriira fal argagixisanimo, hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerard Collomb ayaan weli falkan ku qeexin mid argagixiso.

France ayaa waxa ay ku jirtay xaalad deg deg ah tan iyo bishii November ee 2015 kadib markii xagjiriinta kooxda Daacish ay weerar dhimasho badnaa ka fuliyeen magaalada Paris.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG