Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano xal raadis ah oo tagey Cadaado


Xildhibaanada oo la dhaariyey
Xildhibaanada oo la dhaariyey

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, oo isku dayaya inay xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed.

Maalintii shalay ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug waxay sheegeen inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaase arrintaais gaashaanka ku dhuftay taageerayaasha madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaannada maanta tagay Cadaado ayaa la kulmay dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda ee isku haya maamulka Galmudug.

Khilaafka maamulka Galmudug ayaa kasoo billowday kadib markii xubnaha maamulka ugu sarreeya iyo xildhibaanada ay isku khilaafeen mowqifka maamulka uu ka qaatay xiisadda dalalka khaliijka.

Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq ayaa warbixintan noo soo diray.

Dhageyso Warbixinta Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:02 0:00

XS
SM
MD
LG