Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Sacuudiga


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta socdaal ugu baxay dalka boqortooyada Sucuudiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka Villa Somalia kasoo baxay ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah, balse laguma shaacin ujeedadiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la inuu halkaas kula kulmo Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Safarka ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay xiisadda u dhaxeysa xulufada Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo dalka Qatar, halka maamul goboleedyada Soomaaliya ay taageereen Sacuudiga.

XS
SM
MD
LG