Isku xirrada

Booliiska London oo Dad kale u Soo Xirey Qarixii London


Booliska Britain ayaa sheegey in ay soo xireen laba nin oo kale oo lala xiriirinaayo weerarkii bombaano ee toddobaadkii hore ka dhacay xarunta tareenada London, halkaasoo ay ku dhaaawacmeen 30 qof.

Masuuliyiinta Britain ayaa sheegey in dadka la xirey ay kala yihiin, nin 48 jir ah iyo mid kale oo 30 sano jir ah, kuwaasoo ku noolaa magaalada Newport, ee gobolka Wales. Isla halkaasna, waxa ay boolisku shaley ka soo xireen nin kale waxaana baaritaanno ilaa shaley lagu hayey goobihii ay degenaayeen raggan maanta la soo qabtey.

Boolsika London ayaa war qoraal ah ku sheegey in raggan loo heysto in ay lug ku lahaayeen weerarkii bombaano.

Isu geyn, 5 rag ah ayaa ilaa iyo hadda loo qabtey qaraxii toddobaadkii hore.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG