Isku xirrada

Nin kale oo loo Qabtay Weerarkii London


Booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay xireen qof labaad oo looga shakisanyahay inuu ku lug lahaa weerarkii bambaano ee Jimcihi lagu qaaday tareenka dhulka hoostiisa mara ee London.

Bayaan kasoo baxay booliska Britain ayaa lagu sheegay in ay xireen nin 21 jir ah, kaasoo laga soo qabtay xaafadda Hounslow ee galbeedka magaalada London oo inta badan ay dagaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport.

Sabtidii shalay aheydna, booliska ayaa xiray wiil 18 jir ah kaasoo laga soo qabtay dekadda Dover ee ay ka baxaan gaadiidka badda ee isaga kala gooasha inta u dhaxeeya Britain iyo France.

Taliye ku xigeenka booliska London Neil Basu ayaa sheegay in xarigi hore uu muhiim ugu ahaa soo qabashada qof kale ee ay boolisku maanta xireen.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sare u qaaday heerka feejignaanta dhinaca khatarta, kadib weerarki bambo ee ka dhacay London Jimcihii.
Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG