Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Dhexmaray Fatax iyo Xamaas


Dhaq-dhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, oo fariisin ku leh marinka Ghaza ee dhulka Falastiin ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud.

Go'aankan ayaa loo arkaa waddo loo qaaday soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Tallaabadan ayaa dhabaha u xaareysa dhismaha xukuumad dib u heshiineed oo loo dhan yahay.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo markaa cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Ghaza.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

Ghaza waxaa ka oogan xaalad aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

XS
SM
MD
LG