Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: Qaadhaan loo Ururinayo Dadkii Duufaantu ku Dhacday


Qaar ka mida xiddigaha ugu caansan dalkan Maraykanka ayaa xalay qabtay kulan ballaadhan oo ay lacag ugu ururinayeen dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay duufaantii Harvey iyo Irma.
Stevie Wonder oo ah heesaa caana, ayaa fulay bandhigga, waxaana kala qayb galay xiddigaha ay ka mid yihiin Tom Hanks, Robert DeNiro, iyo xubno kale, waxayna ka jawaabayeen telefoonada ay soo diraan daawadayaasha doonaya inay bandhiga ka qaybgalaan isla markaana ku deeqaan lacago.
Illaa toban telefiishan oo Maraykan ah ayaa baahinayey bandhiggan oo soconayey illaa muddo saacad ah.

XS
SM
MD
LG