Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa rajo weyn ka muujiyey inay hirgalaan natiijooyinkii dadaalladii nabadeed ee maalmahan ka dhex socday labada maamul ee Galmudug iyo Puntland. Waxaa hadalkan uu jeediyey iyadoo labada madaxweyne kuxigeen Cabdixakiim Xaahi Cabdullaahi Camey iyo Maxamed Xaashi Carrabey ay booqdeen dhulka miyiga ah si ay nabadaynta u gaarsiiyaan.
Weriyahayaga Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa la kulmay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabay, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey safarka uu ku tagayo dhulka miyiga ah iyo ujeeddadiisa.