Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda UNDP ee QM ayaa laug sheegay in sababaha ugu weyn ee dhalinyarada Africa ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.
Warbixintan waa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay ee ay soo saarto UNDP. Warbixintan oo goor dhow lagu soo bandhigey magaalada New-York waxaa noo soo koobeysa Falastiin Axmed Iiman.