Isku xirrada

Boko Xaram oo Boqolaal Qof ku Dishay Galbeedka Afrika


Dagaalyahanada Boko Xaram

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in ku dhowaad 400 qof oo rayid ay ku dhinteen weeraro ismiidaamin ah oo ay koxoda Boko Xaram ka fulisay dalalka Cameroon iyo Nigeria, tan iyo bishii April ee sanadkan.

Tiradaas ayaa ah laba jibaar tirada dadkii dhintay shanti bil ee ka horeysay bisha April, sida ay sheegtay Amnesty.

Warbixin ay maanta soo saartay Amnesty, ayaa lagu sheegay in 223 qof oo rayid ah lagu dilay weerada Boko Xaram ee dalka Nigeria, oo ay ku jiraan 100 shacab ah oo la dilay bishii August kaliya.

Weerarkii ugu xumaa ee Nigeria ayaa ahaa kii dhacay 25-kii July, markaasi oo 40 qof lagu dilay gobolka Borno.

Amnesty ayaa sheegtay in tirada ay intaas ka badan karto, ayada oo ay jiraan weeraro aan la werin.

Dalka Cameroon, ayey dhinaca kale hay’addu sheegtay in ugu yaraan 158 qof oo rayid ah lagu dilay 30 weeraro ismiidaamin ah oo dhacay tan iyo bishii April.

Amnesty ayaa sheegtay in kororka weerarada Boko Xaram ee dalka Cameroon ay ugu wacan tahay ayada oo dagaalyahanada kooxdaas laga soo eryey kaymaha Sambisa ee dalka Nigeria, ayna usoo baxsadeen buuralayda Mandera ee dalka Cameroon.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG