Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Shirkadaha Soomaalida oo Laga Goystay Qandaraasyo


Shirka ganacsatada Minnesota
Shirka ganacsatada Minnesota

Shirkado ay leeyihiin qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota oo bulshada ka caawiya dhinacyada caafimaadka, turjumidda, iyo gaadiidka dadka lagu geeyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, ayaa qandaraasyo ay ka heysteen shirkadaha caymiska ee Blue Cross Blue Shild iyo U Care laga goostay.

Ganacsatada Soomaalida oo arrintan walaac ka muujiyey ayaa u arka inay tahay talaabo lagu curyaaminayo ganacsiga dadka laga tirada badan yahay ee gobalka.

Qaar ka mida milkiilayaasha shirkadahaas iyo bulshada Soomaaliyeed, ayaa shalay kulan la yeeshay xildhibaanada aqalka hoose ee gobalka Minnesota qaarkood, kuwaasoo ay hor kaceysay Ilhaan Cumar.

Cabdiwahaab Maxamed oo ka mid ahaa milkiilayaashii kulanka ka qeyb galay ayaa wariyaha VOA ee Minnesota Maxamud Mascadde uga waramay kulanka ay xildhibaanada la yeesheen waxa uu ku saabsanaa.

Halkaan ka dhageyso wareysiga shirkadaha Soomaalida MN
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:14 0:00

XS
SM
MD
LG