Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Harvey oo ka Wareegtay Houston


Magaalada Houston ee gobolka Texas ayaa la filayaa in ugu dambeyn maanta ay ka nasato duufaanta Harvey kadib markii ay ka dhaqaaqday bariga Texas una jihaysatay gobolka deriska la ah ee Louisiana.

Dadka bixiya saadaasha hawada ayaa sheegay in Houston uu maanta ka da’i doono roob illaa laba cm ah, ayna magaalada heli doonto qorax iyo cimilo kulul maalinta Jimcaha.

Si kastaba gobolka ayaa weli la tacaalaya daadadkii ka dhashay roobabkii da’ayey tan iyo 24-kii August oo gaaray illaa 130 cm.

Xarunta Duufaanta ee qaranka ayaa sheegtay in roobab 15 illaa 30 cm ah uu maanta ka da’i doono koonfurta galbeed ee gobolka Louisiana.

Saraakiisha deegaanka iyo gobolka ee Texas ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ay 13,000 oo qof kasoo saareen guryo ay daadad buuxiyeen.

Illaa 13 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen duufantii daadadka wadatay ee ku dhufatay gooblka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay filayaan in tirada dhimashada ay kordhi doonto, marka daadadku dhammaadaan, awoodna loo helo in guryo badan la galo.

XS
SM
MD
LG