Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kim Jong Un oo ka Hadlay Gantaalka ay ka Dul Rideen Japan


North Korean leader Kim Jong Un inspects a long and medium-range ballistic rocket launch drill in this undated photo released by North Korea's Korean Central News Agency in Pyongyang on Aug. 30, 2017.
North Korean leader Kim Jong Un inspects a long and medium-range ballistic rocket launch drill in this undated photo released by North Korea's Korean Central News Agency in Pyongyang on Aug. 30, 2017.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marki ugu horreysay ka hadashay gantaal ay Isniintii dul marsiisay hawada dalka Japan, iyada oo sheegtay in ay uga jawaabeysay dhoolatuska millatari ee ay ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed dhawaan sameeyeen.

Wakaaladda Wararka Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo (KCNA) ayaa kasoo xigatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un in gantaalka ay rideen uu ahaa mid ay dhab ka aheyd iyo sidoo kale tallaabo ay milatariga Kuuriyada Waqooyi u qaadeen howlgalka badda baasifiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada ku aadan jawaabta uu Mareykanka ka bixin doono gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ka dul ridday dalka Jappan.

Safiirada Mareykanka u fadhida Qarmada Midoobay Nikki Haley ayaa kulan aanan caadi aheyn oo ay shalay gelinki danbe Golaha Amaanka ee QM ka yeesheen arrinta Kuuriyada Waqooyi ka sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku xadgudubtay dhamaan qaraarada QM.

Dunida ayey ugu baaqay inay u midoobaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa Kuuriyada Waqooyi.

XS
SM
MD
LG