Isku xirrada

Houston oo Wali La Halgameysa Fatahaad Baaxadweyn


Rescue boats fill a flooded street as flood victims are evacuated during Tropical Storm Harvey, Aug. 28, 2017, in Houston.

Roobab xoog leh ayaa wali ka da,aya magaalada Houston ee gobolka Texas, kuwaasoo sii cakiray howlaha gurmadka ah ee ay wadaan kooxaha dadka badbaadiya, kadib marki ay halkaasi garaacday duufaanta Harvey.

Kumannaan kun ayaa wali ku go,doonsan degmooyinka ay aadka u saameeyeen fataahadaha ka dhashay duufaanta ku dhufatay magaada Houston.

Duqa magaaladaasi, Sylvester Turner ayaa sheegay in ilaa iyo imminka lasoo badbaadiyey dad gaaraya 2,000 oo ruux, balse wali ay jiraan dad codsi badbaada ah soo dirsaday kuwaasoo ku jira meelo khatar ah.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in dad gaaraya shan kun iyo shan boqol oo ruux la geeyey guryo loogu tala galay in lagu daryeelo ilaa ay ka dhamaaneyso masiibada.

Xarumaha qaabilsan saadaasha hawada ayaa sheegay in la filayo in roobab kale oo xoog leh ay ka di,i doonaan Houston iyo agagaaraheeda Arbacada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG