Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufanta Harvey oo ku Dhufatay Texas


A truck is seen stuck in flood waters as Hurricane Harvey comes ashore in Corpus Christi, Texas, Aug. 25, 2017.
A truck is seen stuck in flood waters as Hurricane Harvey comes ashore in Corpus Christi, Texas, Aug. 25, 2017.

Duufaanta Harvey ayaa ku dhufatay dhinaca bariga dalkan Mareykanka ee koonfurta Gobolka Texas.

Duufaanta ayaa ku dhufatay magaalada yar ee Rockport oo ku dhow magaalada kale ee Corpus Christi, gelinkii hore ee Maanta xilliga Mareykanka.

Dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay boqolaal meyl oo ku teedsan xeebta gobolka Texas.

Harvey, waa duufaantii ugu darneyd uguna xoog badneyd ee Mareykanka ku dhufata wax ka badan 10 sanadood- waxeyna wadatay dabeylo ku socday xawaare ah 209 killomitir saacaddii.

Duufaantu ayaa si tartariib ah u sii nuxuuseysay, laakiin gelinkii hore ee Sabtida maanta ah, xarunta qaran ee la socodka duufaanta Mareykanka ayaa sheegtay in weli duufaantu ay sidato awood iyo xowli ay ku duusho oo dhan 185 killomitir saacaddii. Weli lama soo sheegin cid wax ku noqotay duufaanta.

XS
SM
MD
LG