Isku xirrada

Madaxweyne Dos Santos oo 38 Sano Kadib Qof Kale U Codeeyey


Outgoing Angolan President Jose Eduardo dos Santos greets crowds at the ruling MPLA party's final election rally in Luanda, Aug. 19, 2017.

Madaxweynihi mudada dheer soo xakumayey dalka Angola ayaa Arbacadi sameeyey wax uusan muddo sanada ah sameyn, taasoo ah inuu u codeeyey qof kale, doorashadi shalay ka dhacday dalkaasi.

Jose Eduardo dos Santos ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Iskuulka Sharciga ee Agostinho Neto, oo ah iskuul loogu magac daray madaxweynaha kaliyah ee isaga talada kaga horreeyey Agostinho Neto, kaasoo geeriyooday sanadki 1979.

Warbaahinta Angola ayaa sheegtay in loo maleynayo inuu codkiisa ku taageeray wasiirka difaaca Joao Lourenco oo ah musharaxa u ordaya xisbigiisa.

Dos Santos oo ah 74 jir ayaa Angola xakumayey 38 sano. Dhawaan ayuu xilka ka dagay.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya lix xisbi, balse waxaa aad loogu saadaalinayaa inuu ku guuleysto xisbiga hadda talada haya ee MPLA.

Natiijada rasmiga ah ayaa soo bixi doonta todobaadka soo socda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG