Isku xirrada

Angola oo 38 Sano Kadib Yeelaneysa Madaxweyne Cusub


Dad ku jira saf si ay u codeeyaan

Codbixiyayaasha dalka Angola ayaa maanta dooranaya madaxweyne cusub oo beddeli doona hoggaamiyaha muddada fog xukumayey dalkaas ee Jose Eduardo dos Santos, oo xilka ka degaya kadib 38 sano.

Xisbiga madaxweyne Dos Santos ee Dhaqaaqa Dadka ee Xoreynta Angola ama MPLA ayaa la filayaa inuu helo codad ku filan si uu awoodda ugu sii nagaado, waxaana hoggaaminaya wasiirka gaashaandhigga Joao Lourenco.

Qof kasta oo ku guuleysta madaxweynenimada dalkaas ayaa wajihi doona caqabad ah inuu wax ka qabto dhaqaalaha liita ee dalkaasi qaniga ku ah saliidda, oo dhaawac uu kasoo gaaray qiimaha saliida caalamka ee hoos usii dhacaya.

Xisbiga MPLA ayaa dalka Angola xukumayey tan iyo sanaddii 1975-kii markaasi oo uu xoriyad ka qaatay Portugal.

Shan xisbi ayaa la loolamay xisbiga MPLA, waxaana labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee UNITA iyo CASA ay ku eedeeyeen xisbiga talada haya inuu hantida dowladda u adeegsaday ololaha doorashada.

Xisbiga MPLA waa uu beeniyey eedeymahaas.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG