Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan ayaa yimid maalin in ka dib markii maleeshiyada laga saaray deegaanoo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose oo ay Bariire ka mid tahay.
Howlgal Balaaran ayaa weerarkan ka dib ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen magaalada.
Gudomiyaha degamada Afgooye ahna duqa magaalada Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa khadka taleefanka kula xiriirnay si aan wax uga weydiiyo weerarkan.