Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bannon oo Shaqada Aqalka Cad Laga Eryay


Steve Bannon, madaxa istaraatiijiyada Aqalka Cad ayaa xilkii laga qaaday.

Bannon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog, waxaana lagu tilaamaa inuu ka danbeeyay siyaasaddaha nacaybka ku dhisan ee aqalka ka soo baxayay tan iyo markii madaxqweyne Trump uu xilka ku guuleystay.

Banon ayaa dib ugu noqday warbaahinta Breibart oo lagu eedeeyo inay faafisa fikirka dadka cadaanka ah ee cunsuriyiinta ah.

Faysal Dari oo ka mid ah Soomaalida ka tirsan xibisga Jamhuuriga gobolka Minnesota ayaa VOA u sheegay in eryida Steven Banon ay xasillin doonto xiisadda iyo jahwareerka ka dhexjira shaqaalaha Aqalka cad.

Bannon ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro kuwa ka so horjeeda Trump, sidoo kalena wuxuu wargeys kale u sheegay in madaxtinimadii Trump ee ay u soo dagaallameen ay dhammaatay.

XS
SM
MD
LG