Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sierra Leone: Dad ka Badan 200 oo ku Dhintay Daadad iyo Dhiiqo Guur.


Saraakiisha ku suggan caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown, ayaa sheegaya in 200 qof ka badan ay ku dhinteen dhoobo ku soo rogmatay iyo daadad.

Mashaqadan dhacday saacadihii hore ee maanta oo Isniin ah ayaa ka dambeysay roob mahiigaan ah oo muddo saacado ah ka da’ayay magaalada.

Goob joogayaasha ayaa ku tilmaamay dumista gebiga buur yar oo ku taala deegaanka la yirahdo – Regent - sidii wabiyo dhoobo ah oo socda.

Sinneh Kamara, oo ah farsamo yaqaan ka howl gala qeybta qaboojiyeyaasha meydadka ee Isbitaal ku yaalla magaalada ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in qaboojiyeyaasha oo ciriiri ku ah ay ku qasabtay shaqaalaha in meydadka ay kaga tagaan iyagoo daadsan dhulka.

Kamara waxa uu sheegay in tirada dadka musiibadan ku dhintay ay suuragal tahay inay badato, waayo buu yiri dad badan baa hurdayay markii dhiiqada sii duntay ay duugtay guryahooda.

Telefishinka dowladda ayaa joojiyay baahinta barnaamijyaddisii caadiga ahaa isagoo u weeciyay gurmadka iyo baahinta waxa dhacay. Dowladduna waxey magaalada ku daadisay ciidamo milatari ah oo gacan ka geysta howlaha gurmadka.

XS
SM
MD
LG