Isku xirrada

Duqeyn ka Dhacday Gobolka Sh/Dhexe


AMISOM oo ku sugan dekedda Ceel-Macaan

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta madaafiic si xoog leh ugu duqeyay deegaano ku dhow Tuulada Cali Fooldheere ee Gobalka Shabellaha dhexe halkaas oo lagu tuhmayo in ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin, haddana sraakiil ka tirsan laamaha amniga Hirshabelle waxa ay sheegeen in goobta la duqeyay ay ku sugnaayeen saraakiil uu ka mid yahay Yuusuf Sheekh Ciise oo loo yaqaan Kabo ku Dukade, islamarkaana ay jirto khasaare dhimasho oo deqeynta ay geysatay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo malayshiyada kooxda Al-Shabab ayaa mudo hal bil ka badan waxaa ay dagaalo goos goos ah ay ku dhexmarayeen deegaano hoostaga Cali Fooldheere.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG