Madaxii Isgaarsiinta Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, Anthony Scaramucci ayaa laga eryey shaqada, muddo ka yar laba todobaad kadib marki loo dhiibay xilkaas.
Tallaabadan ayaa timid saacado kadib marki general John Kelly loo dhaariyey madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee Mareykanka.
Arrintani ayaa loo arkaa in ay tahay calaamad uu John Kelly isu muujinayo inuu kaga duwanyahay ninki isaga ka horreeyey Reince Priebus, kaasoo aanan waligiis xilkaqaadis ku sameyn shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyada.
Shaqa ka joojinta Scaramucci ayaa waxaa Isniintii ku dhawaaqay Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders.
Sara waxay sheegtay in madaxweyne Trump uu ka xumaaday hadalo uu todobaadki hore Scaramucci ku weeraray madaxii hore ee Shaqaalaha Aqalka Cad Priebus, kadib wareysi uu siiyey wargeyska The New Yorker.