Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guriga Madaxweyne ku Xigeenka Kenya oo la Weeraray


Rais Uhuru Kenyatta na Makamu Rais wake William Rutto wakielezea ujio wa Obama
Rais Uhuru Kenyatta na Makamu Rais wake William Rutto wakielezea ujio wa Obama

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo aan la garaneyn ay weerar galabta ku qaadeen guri Madaxweyne ku xigeenka Kenya Willaim Ruto uu ku leeyahay degmada galbeedka dalkaa ku taal ee Uasin Gishu.

Ragga hubeysan ayaa toogtay mid ka mid ah raggii ilaalinayay guriga Madaxweyne ku xigeenka ka dibna gudaha u galay.

Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa soo warinaya in weerarkan uu dhacay 30 daqiiqo ka dib markii Madaxweyne ku xigeenku iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ay ka baxeen gurigaa.

Telefishnka NTV ee dalka Kenya ayaa si daayay Muuqalada ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan oo halkaa isku geedaamay.

Saraakiisha Booliska iyo Saraakiisha Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaan weli arrintan ka jawaabin.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa 10 maalmood ka hor doorashooyinka dalka Kenya.

Ujeedada weerarka ma cadda, laakiin guryaha uu kenya ka deganyahay madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa si weyn u ilaaliya ciidamo boolis ah oo sida miltariga u tababaran.

XS
SM
MD
LG