Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Qalalaasaha Qudus


Antonio Guterres
Antonio Guterres

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay inuu ka walaacsanyahay rabshadaha kusii baahaya qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus, isaga oo ugu baaqay Isreal in ay arrinta qaboojiso.

Hadalka kasoo baxay Guterres ayaa yimid kadib marki ay ururada Falastiiniyiinta ee Fatah iyo Hamas ku baaqeen in Jimcaha la sameeyo banaanbax weyn oo ka dhan ah amarada ay Isreal kusoo rogtay Masjid Al-Aqsa.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta, hogaamiyaasha diinta iyo madaxda bulshooyinka degan Qudus in ay joojiyaan ficilada iyo hadalada kicinta.

Xaaladda Qudus ayaa aad u kacsaneyd muddo todobaad ah, kadib marki ay Isreal ku rakibtay Masjidul Aqsa qalbka wax lagu baaro iyo kaamirooyin, taasoo ay dowlada Isreal ku sheegtay inay uga jaaweyeysay weerar 14-ki bishaan lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa booliska Israel.

XS
SM
MD
LG