Isku xirrada

War Deg-Deg ah

35 Ruux oo Lagu Dilay Dalka Afghanstan


Qaac kasoo baxaya halki uu ka dhacay weerarki ismiidaaminta ee Isniinti ka dhacay magaalada Kabul, Afghanistan, July 24, 2017.
Qaac kasoo baxaya halki uu ka dhacay weerarki ismiidaaminta ee Isniinti ka dhacay magaalada Kabul, Afghanistan, July 24, 2017.

Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki qof watay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu weeraray gaari mini-bus ah oo ay la socdeen shaqaalo ka tirsan kuwa rayidka ee Dowlada Afghanstan oo marayey dhinaca galbeed ee magaalada Kabul.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Najib Danish, ayaa sheegay inuu qaraxu dhacay xilli uu baabuurka ay la socdeen shaqaalaha dowlada uu marayey suuq aad mashquul ah oo ku yaalla caasimadda.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa VOA-da u sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay u badnaayeen shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo batroolka Afgnastan.

Madaxweynaha Afghan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyey weerarka.

XS
SM
MD
LG