Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo Eedeeyey New York Times


Madaxweyne Donald Trump
Madaxweyne Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Tuwiiterka ku eedeeyey wargeyska New York Times inuu burburiyey qorshe uu Mareykanka ku rabay inuu ku khaarejiyo hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakr al-Baghdadi.

Madaxweyne Trump mu uusan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu wargeyska ku arbushay qorshaha lagu dili rabay Al Baghdadi, balse hadalkiisan ayaa yimid daqiiqado yar kadib marki uu Telefishinka Fox News uu baahiyey xog la dusiyey oo ku saabsan arrintan.

Afhayeen u hadlay jariirada New York Times ayaa weydiistay aqalka cad faah-faahinta hadalka uu Trump ku daabacay boggiisa Tuwiter-ka.

Mareykanka ayaa dul dhigay madaxa hogaamiyaha Daacish lacag dhan 25 milyan oo dollar.Abu Bakr al-Baghdadi laguma arkin meel fagaara ah tan iyo sanadki 2014-ki, waxaana la rumeysanyahay inuu ku safro deegaanada ay ka taliso Daacish ee ku yaalla dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

XS
SM
MD
LG