Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii hore ee Brazil oo Xabsi lagu Xukumay


Luiz Inacio Lula da Silva
Luiz Inacio Lula da Silva

Madaxweynihii hore ee Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa lagu helay musuq-maasuq iyo been xalaaleyn lacag, waxaana lagu xukumay xabsi sagaal sano iyo bar ah.

Lula ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, waxaana uu sheegay inuu qorsheynayo inuu racfaan ka qaato go’aanka maxkamadda. Inta uu socdo hanaanka racfaanka, waxa uu ahaan doonaa xor.

Xaakim federal oo lagu magacaabo Sergio Moro ayaa siyaasigan caanka ah ku helay inuu qaatay lacag hal milyan oo dollar ah oo ay usoo celisay shirkad heshiis la gashay dowladda, kadibna uu u isticmaalay inuu dib u dhis ugu sameeyo dhsime uu ku leeyahay meel xeeb ah.

Go’aankan ayaa ah mid si aad ah loo filayey, oo xitaa ay filayeen garyaqaanada difaacaya Lula, hase yeeshee waxa uu ahaa mid layaba leh.

Lula ayaa xafiiska ka tagay isaga oo aad loo jecel yahay, waxaana lagu amaanaa inuu malaayin qof oo reer Brazil ah ka saaray saboolnimada, islamarkaana dalkan ugu weyn Latin America ka dhigay mid muhiim ah ka ah fagaarayaasha dunida.

Kiiskan ayaa qeyb ka ah fadeexad musuq-maasuq oo weyn oo xudun ay u tahay shirkadda shidaalka ee Petrobras, taasi oo ganacsato iyo siyaasiyin ah ay xabsi ku muteysteen.

XS
SM
MD
LG