Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo Weli ka Socda Gudaha Mosul


Ciidamada Iraq ayaa weli sii wada in dagaalyahano kooban oo weli harsan ay kula dagaalamaan gudaha magaalada Mosul, xilli madaxda sare ee dalkaas ay u dabaal degayaan guul.

Goobaha iminka lagu dagaalamyo oo aad u kooban, ayaa ka dhigay in ciidamad Iraq ay goobaha ay haystaan ka dareemayaan duqeymaha ciidamada xulufada ay la beegsanayaan dagaalayahnada Daacish, oo aad ugu dhow.

Askarta Iraq ayaa dagaalka ugu dambeeya ku qeexay kan ugu dhibka badan, ayaga oo galaya guryo ay ku jiraan dagaalyahano ka tirsan Daacish, oo xiran jaakadaha qarxa, diyaarna u ah inay ismiidaamiyaan.

Shalay oo axad ahayd, ayaa markii qoraxda ay dhacday, ra’iisul wasaaraha Iraq Haidar al-Abadi iyo wafti la socday waxay ka tageen “magaalada la xoreeyey ee Mosul.

Inta badan magaalada Mosul ayaa waxaa hadda maamulaya ciidamada Iraq, waxaana dagalayahanada Dacaish la isugu riixay goob 200 oo meter isku wareeg ah.

Askarta Iraq ayaa sheegay in dagaalyahanada weli dagaalamaya ay badankood yihiin ajaaniib, doonaya inay dagaalamaan illaa ay ka dhintaan.

XS
SM
MD
LG