Isku xirrada

Mosul oo Dhaw Inay Ku Dhacdo Gacanta Ciraq


Dhismo ay burburiyeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada Dowlada Ciraq iyo Kooxda Daacish, Mosul, Iraq, July 7, 2017.

Ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonaan guusha dagaalka magaalada Mosul, taasoo soo dhameyn doonto qeyb ka mid ah khilaafada Daacish ee qeybta Ciraq.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada isgarabsanaya ayaa lagu sheegay in howlgalku uu gaba gabo marayo, isla markaana ay ciidanku qarka u saaranyihiin in ay gaaraan wabiga Mosul.

Dhinaca kalana, taliye ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga Ciraaq, General Robert Sofge ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in guul ay ciidanka Ciraq ka gaaraan dagaalka Mosul ay hadda aad usoo dhawaatay.

Saraakiisha Ciraq ayaa todobaadyadi lasoo dhaafay saadaalinayey guusha dagaalka Mosul, kadib marki ay sheegeen in ay xoogaga Dacish ku go,doomiyeen qeyb yar oo ka mid ah faras magaalaha Mosul iyo agagaarka Wibiga Dijlah ee magaalada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG