Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Kale


Korea-da Waqooyi ayaa maanta sheegtay inay si guul leh u jitaabisay gantaalo nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah.

Dalkan ayaa muddo raadinayey awoodda noocaas ah, ee u saamaxeysa inay madax Nuclear u diraan dalka Mareykanka.

Taleefishinka dalkaas ayaa ku dhawaaqay in gantaalka uu duulayey 39 daqiiqo, uuna gaaray masaafo hawo oo dhan 2,800 KM.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Pacific-ga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in gantaalka la tijaabiyey uu yahay nooca riddada dhexe.

Madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay in dowladdiisa ay u qaadatay in gantaalka uu yahay nooca riddada dhexe, balse ay isugu diyaarineyso inuu yahay nooca qaaradaha ka gudba.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka jawaabay tijaabada Korea-da Koonfureed ayaa ugu baaqay Shiinaha in saameynta ay ku leedahay dalkaas u adeegsato inay xal u hesho arrintan.

XS
SM
MD
LG