Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulufada Sacuudiga oo Waqtiga u Kordhiyey Qatar


Xulufada Sacuudiga ee muranka diblomaasiyeed uu kala dhaxeeyo Qatar ayaa maanta sheegay inay muddo 48 saac ah ugu kordhinayaan Qatar inay ku aqbasho dalabyadooda.

Dowladda Kuwait oo dhexdhexaadineysa dalalkan gacanka Carbeed ayaa waqti kordhintan dalbatay axaddii, waxyar un ka hor inta uusan dhicin waqtigii horey loogu qabtay Qatar.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Kuwait iyo Sacuudiga ayay ku sheegeen in waqtiga loo kordhiyey Qatar.

Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa shantii June xiriirka u jaray Qatar, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, islamarkaana xulufo la tahay Iran.

Qatar ayaa beenisay eedeymahan, oo ay ku sheegtay kuwa aan sal lahayn.

Shuruudaha ay dalalka hordhigeen Qatar, si ay xayiraad ay saareen uga qaadaan, ayaa waxaa ka mid ah, in Qatar ay xiriirka u jarto Iran, islamarkaana gebi ahaan xirto taleefishinka Aljazeera iyo dhammaan taleefishinada kale ee hoos yimaada.

Dalabyada ayaa waxaa sidoo kale ay Qatar ugu baaqayaan “inay xiriirka u jarto dhammaan ururada argagixisada”, gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.

Xulufada Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in Qatar “ay si deg deg ah usoo afjarto joogitaanka milatariga Turkiga ee dalkaas, iyo xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya”.

XS
SM
MD
LG