Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Turkiga oo Weeraray Kurdish-ka Syria


Militariga Turkiga ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayaga oo uga aargudanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Syria.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in isku dhacyadu ay ka dhaceen deegaanka Afrin.

Kooxda Kurdish-ka ee YPG ayaa qeyb ka ah mucaaradka Mareykanka uu taageero ee Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, islamarkaana doonaya inay ka saaraan magaalada Raqqa ee caasimadda u ah kooxdaas.

Si kastaba, Turkiga ayaa aad uga soo horjeeda kooxdan oo ay u arkaan inay xiriir la leedahay kooxda PKK ee dagaalka ka waday koonfurta Bari ee Turkiga, tan iyo sanaddii 1980-kii.

Xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa lagu wadaa inuu dhiggiisa Turkiga kula kulmo magaalada Brussels oo shirka NATO uu ka dhacayo, halkaasi oo la filayo inay uga hadlaan xiisadda gobolka.


XS
SM
MD
LG