Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerartay Banki ku Yaalla Kenya


Mandera, Kenya
Mandera, Kenya

Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.

Sidoo kale, miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ku qaraxday waddada isku xirta Mandera iyo Ceel-waaq, balse waxaa lagu soo warramayaa inaan qaraxaasi wax khasaare ah ay ka dhalan.

Mandera, waxaa hore uga dhacay weerarro xiriir ah oo ay ku dhinteen rayid iyo waliba ciidamada amniga Kenya, waxaana mas’uulyadda weeraradaasi sheegatay kooxda al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tagey aad u kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

XS
SM
MD
LG